Caddaaladda Soconaysa
Shirka Caddaaladda ee Gaadiidka Maine
Talaado, Oktoobar 29, 2024, 9ka subaxnimo - 3da
galabnimo Xarunta Caymiska ee Bangor Cross
Nagu soo biir si aan isugu xidhno, una barano, sidoo kalana u dhisno dhaqdhaqaaqa loogu talagalay gaadiidka la heli karo oo loo siman yahay ee Maine!
Kusoo biir Shabakadda Dhaqdhaqaaqa Maine ee Moving Maine Network oo ah munaasabad hal maalin ah oo soo jiidasho leh oo diirada saareysa helitaanka gaadiid wanaagsan oo loogu talagalay dhammaan dadka reer Maine - gaar ahaan dadka aan awoodin inay wataan ama ku dhibtoodaan inay iska bixiyaan lacagta gaadiidka. Shir- madaxeedka ayaa bixin doona meel bannaan oo lagula kulmo u doodayaasha iyo hawl- wadeennada kale, si loo dhiso cilaaqaad, iyo in la horumariyo aragti laisla wadaago ee ku aadan mustaqbalka gaadiidka taas oo ku qotonta sinnaan iyo caddaalad.
Barnaamijka waxaa ku jiri doona:
Labada khudbadood ee muhiimka ah ee dhiirigelinta leh oo ay ku jiraan codad dhiirigelin leh oo ku saabsan caddaaladda gaadiidka oo kala ah Jose Richard Aviles oo ka tirsan Machadka Othering and Belonging iyo Anna Letitia Zivarts, oo ah qoraaga buugga cusub ee When Driving Is Not an Option:Steering Away from Car Dependency.
Natiijooyinka bilowga ah ee laga helay Mashruuca Xog Ururinta iyo Sheekooyinka ee MMN oo muujinaya sida caqabadaha gaadiidka ay u waxyeeleynayaan dadka reer Maine, oo ay heli karaan dadwaynaha markii ugu horreysay maalintaas.
Fursado badan oo aad dadka kula sheekaysan kartaan inta lagu jiro nasashada kafeega subaxda, wadahadalada miiska qadada, iyo maalinta oo dhan.
Abuuritaanka aragti la wadaago oo ku saabsan helitaanka gaadiidka caalamiga ah ee Maine, iyadoo la kaashanayo fududeeyaha muuqaalka, Brandon Black, oo ku takhasusay qorista waqtiga dhabta ah.
Yaa ka qaybqaadanaya
Dadka leh waayo-aragnimo iyo khibrad ku saabsan sida aan loo wadin baabuurta iyo isticmaalka gaadiidka dadweynaha.
Kuwa u ololeeyaan helitaanka iyo sinnaanta gaadiidka – labadaba kuwooda mushaarka qaato iyo kuwa aanan qaadanin.
Shaqaalaha iyo hoggaamiyeyaasha ururada kaalin ka ciyaara horumarinta helitaanka gaadiidka iyo sinnaanta – oo ay ku jiraan kuwa diiradda saaraya gaadiidka, daryeelka caafimaadka, caafimaadka dadweynaha, guryaha, gabowga, naafonimada, waxbarashada, iyo horumarinta shaqaalaha.
Qof kasta oo danaynaya caddaaladda gaadiidka!
Macluumaadka tigidhka
Waxaan soo bandhigeynaa nidaam lacag bixin la kala dooran karo oo leh afar kala doorasho.
$125: Qiimaha tigidhka dhammeystiran - tigidhkani wuxuu ka turjumayaa qiimaha dhammeystira ee bandhiga. Waa kharashka aanu ka qaadi lahayn dhammaan ka qeybgalayaasha haddii aanay jirin cabir kala duwan. Haddii aad haysato helitaanka xasilooni maaliyadeed, ama urur kaa bixin kara inaad ka qeybgasho, markaa qiimahan ayaa adiga laguugu talagalay.
$75: Tigidhada Bulshada, Ardayga & Dadka Waaweyn (Da'da 65+) - Kan waa tigidh qiimo dhimis ah oo loogu talagalay kuwa ardayda ah, dadka waaweyn, ama aan iskaashi la lahayn urur - oo awood u leh inay bixiyaan heerkan.
$25: Tigidhka U Doodaha Tabaruca - Kan waa tigidh qiimo dhimis ah oo loogu talagalay kuwa aan xiriir la lahayn urur iyo kuwa bixinta qiimaha tigidha kale ay caqabad ku noqon doonto ka qeybgalka shirka.
$0: Tigidhka Helitaanka Loo Dhan Yahay - Helitaan xaddidan. Kan waa tigidh aan qiimo lahayn oo loogu talagalay dadka aan ka qeybgeli karin shirka haddii loo baahdo lacag bixinta. Moving Maine waxay leedahay tiro kooban oo ka mid ah tigidhadan.
Lacagta waxaa lagu bixin karaa kaar ama jeeg. Haddii aad su'aal qabtid, fadlan nagala soo xiriir info@movingmaine.org.
Helitaanka
Waxaan higsaneynaa inaan martigelino bandhig loo wada dhan yahay oo la heli karo waxaanan rabnaa jawaab celintaada si aan u hubino inaanan waxba seegin! Fadlan noo sheeg waxa aad u baahan tahay si aad si buuxda uga qaybgasho munaasabadda adigoo ka jawaabaya su'aalaha ku jira diiwaangelinta. Waxaan yeelan doonaa qalabka Dhegaha la gashto ee turjumayo luqadaha ee ASL inta lagu jiro shirka. Haddii aad su'aalo qabtid, fadlan nagala soo xiriir info@movingmaine.org.
Gaadiidka
Moving Maine waxaa ka go'an in la xaqiijiyo in qof walba uu haysto safar geeya kana celiya Shirka. Waxaan isku dubaridi doonnaa safarada iyo gawaari wadaaga - sidoo kale waxaanu heysanaa lacag si aan dib ugu celinno tiro kooban oo dad ah kharashkooda safarka marka taasi ay tahay doorbidkooda. Fadlan ku dhex qeex baahidaada iyo xiisaha aad qabto diiwaangelinta ka dibna waan kula socon doonaa.
Cuntada iyo Cabitaanka
Khidmadda diiwaangelinta shirku waxay daboolaysaa cuntada fudud ee barqada, baakidh cunto, iyo cabitaannada maalinta oo dhan. Waxaan ku dadaali doonnaa sida ugu wanaagsan inaan ku bixin karno xulashooyinka dhammaan baahiyaha cuntada. Fadlan ku sheeg tani marka aad is diiwaangelinayso.
Hoyga
Waxaan ka qabsanay qaybo ka mid ah qolalka ku yaalo Hoteelka Hollywood Casino Hotel Bangor qiimihiisuna yahay $159.99 halkii habeen. Si aad u hesho qiimo-dhimista, si toos ah uga dalbo internetka halkan here oo geli "MOVING" gudaha taabka "koodhka qiimaha/lacag bixinta" oo dooro "Moving Maine Network". Ama, wac 877-779-7771 oo la wadaag koodhka "MOVING" si aad u hesho qiimo- dhimista. Haddii aad su'aalo qabtid, fadlan nagala soo xiriir info@movingmaine.org.
Moving Maine waxay leedahay tiro kooban oo qolal hudheel ah oo ay heli karaan iyada oo aan kharash lahayn dadka ku safraya masaafo aad u weyn oo bixinta kharashka hoyga ay caqabad ku abuuri doonto ka qeybgalka shirka. Haddii aad dooneyso inaad isticmaasho doorashadan, fadlan ku dhex sheeg is diiwaangelintaada.
Xiriirka
Wixii su'aalo ah ee ku saabsan shirwaynahaa, fadlan nagala soo xiriir info@movingmaine.org.